Ma rabtaa inaad ogaato sababta ay u dhaceen wixii dalkan ka dhacay sidii dawlad loo noqday ka hor iyo ka dibba? Ma rabtaa inaad ogaato sababta ay u duntay dawladdii xoogga wayneed, ee ciidanku uu marooqsaday awooddii talinta iyo wadaaggii dimoqoraaddi ee doorashada? Ma rabtaa, in aad ogaato wixii keenay kalatagga beelaha Soomaalida iyo isdilkooda? Hadday haa tahay warcelintaadu, haddaba, fadlan, si dhug leh u aqri dhiganahan “Sababihii Burburka Soomaaliya”, ee uu qoray Garaadsame Cabduqaadir Aroma, oo weliba aqri mar, labo, saddax ama ka badan, maxaa yeelay, buug aad aqrintiisa mar kale ku celiso inaad wax ka kororsanayso ka sokow, haddana, dhiganahan Cabdiqaadir Aroma wuxuu faallaynayo waa jiraalkaaga, ayaantaada iyo aayatiinkaaga nololeed, oo uu weliba af mug leh, suugaan cuddoon iyo dhaqan kuugu qoray, si aad dhacdada ka sokow uga barato af iyo dhaqan.
Dhanka kale, way jiraan buugaag Burburka laga qoray, balse, ma jiro mid u faaqidaya sida kan Cabdiqaadir Aroma oo kale, weliba qaar waxaaba jira caaddifad, collaysi iyo mararka qaar ku qoray calaacal ay ka samrila’yihiin sedbursigii ay haysan jireen.
“Wixii buug ku qoran iyo
Wax saxiixa lagu qiray
Ama qalinku uu dhigo
Ayaa keyd u qaraweyn.”