Cabdulqaadir Aroma

Hadimadii Gumeysiga

March 16, 2024
Book
0

Ma rabtaa, in aad ogaato, dalkan muxuu gumaystihii ka gaystay? Maxay ahaayeen dagaalladii Soomaali iyo Xabasahi dhexmaray? Dalkan yaa u soo halgamay? Sidee loo qoray taariikhda halganka? Ma la simay dadkii soo wada halgamay mise qaar ayaa la qariyey? Madaxbannaanida raadinta yaa ka qaybqaatay ururro ama beelo, culumo ama dagaalyahanno? Haddii aad rabto, in aad ogaato taariikhda halgan iyo xornimodoon ee Soomaalida, haddaba, waa in aad aqriso buugga C.Qaadir Aroma ee ; ‘Hadimadii Gumeysiga iyo Halgankii Ummadda.

‘Haddimadii Gumaysiga’ waa buug burrinaya taariikhda la dhoodhoobay ee laga dhigay taariikhda dhabta ah laguna dhigay manhajka waxbarashada iyo duruusta dugsiyada iyo jaamcadaha.

Dhanka kale, ‘Haddimadii Gumaysiga’ wuxuu bannaanka soo dhigaya taariikhaha dhabta ah ee halgan iyo harjad ee la qariyey ama la quuri waayey ee Koofurta iyo bartamaha iyo beelaha iyo culumada qaarkood, ee gacan weyn iyo ka gaystay gargaar aan la dabooli karin

Qoraa C.Qaadir Aroma ‘Haddimadii Gumaysiga’ wuxuu kugu barayaa maalminnada la marinhabaabiyey, ee lagu saleeyey beelaysiga iyo ninjeclaysiga, halka la duugay middii mudnayn in la wadareeyo ama loo dhigo magaca soomaali inay wadametasho ka sokow, illeyn waxay ahayd raadka dhabta ah ee gumaysidiid ama la dirirkiise.

“Wixii buug ku qoran iyo

Wax saxiixa lagu qiray

Ama qalinku uu dhigo

Ayaa keyd u qaraweyn.”

 

Hey, like this? Why not share it with a buddy?

error: Content is protected !!